Saylac iyo Samaroonka 4-aad: Ka bixistii Masaarida iyo bilowgii gumaysigii Ingriiska iyo Faransiiska,heshiisyadii uu la galay beelaha Somaliyeed iyo halkii uu kula galay gaar ahaan beelaha Samaroon iyo Ciise.

Posted on Tuesday, March 2nd, 2010 and is filed under Uncategorized. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 feed. You can leave a response, or trackback from your own site.

Number of View: 61


Adduunku waa Fasal,wakhtigu waa Macalin waayo-arag ah,dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah. Mawduucan oo ah mid taxane ah oon ugu magac darnay “Saylac iyo Samaroonka”  qormadan oo ah tii 4aad waxan maanta kaga hadli doonaa ka bixistii masaarida iyo bilowgii gumaysiga ingriiska iyo faranansiiska.

Ingiriisku wuxu u arkayey inay dan u tahay inuu talyaanigu bedelo ciidamadii masaarida ee xukumayey wadanka Ereteriya,laakiin wuxu kasoo horjeeday in ciidamada Talyaanigu ay galaan magaalada Harar iyo xeebaha Somaliya.Inkastoo dadyowga somaliyeed dhamaantoodba kasoo horjeedeen gumaysigaas hadana waxa muuqatay inaysan awood ulahayn ay isaga xoreeyaan gumaysigii masaarida,sidoo kale kan cusubna ayna u lahayn awood ay isaga caabiyaan.

Waxa kaloo la ay masuuliyiinta ingiriisku aaminsanaayeen in bixida ciidamada masaaridu ay keeni karto mashaakil.Waxay soo wariyeen in bixida ciidmada masaaridu ay sababi karto inay iska horyimaadaan dadka Somalida iyo dadyawga Oromadu.Waxa kaloo uu saadaaliyey inay suura-galtahay in qabiilka Gadabuursigu uu weeraro ciidamada masaarida ee Harar kasoo dhaqaaqaya inta ay sii dhexmarayaan.

Magaalada Harar ruuxeedu waxay noqon doontaa meel u furan loollan oo waxaba dhici karta in Minilik(boqorkii itoobiya) uu kusoo duulo Harar.Arintu sikastaba ha ahaatee waxa la isku raacįy in bixida masaaridu ay keenayso rabshado,taasoo ahayn mid dani ugu jirto gumaystaha khaasatan ingiriiska.Ingiriisku wuxu go’aansaday inuu si toos ah usoo galo Somaliya isagoo ku andacoonaya inuu doonayo inuu badbaadiyo ganacsigii hilibka ee uu la lahaa si aanu ujoogsan.Wuxu ka baqayey in hadii ay dagaalo dhacaan ay dhici karto inay go’aan wadooyinku taasina ay sababto inay hilib la’aani ku dhacdo ciidamadii ingriiska ee joogey magaalada Cadan.

Sanadkii 1884-kii ayaa ingiriisku udiray wafti uu hogaaminayo nin la oranjirey Admiral hewitt si uu arintaa usoo xaliyo oo uu usuuragaliyo in ciidamada masaarida si nabad ah looga daadgureeyo magaalada Harar.Major Hunter waxa isaga markan loo xilsaaray inuu heshiisyo la soo galo qabiilada somalida si ay uhelaan waxa uu ingiriisku ku magaabay “ximaayad”wuxu taas macnaheedu ahaa inuu dadka somaliyeed ka badbaadin doono haraatida ciidamada masaarida ee wadanka kasii baxayey.Dadyowgii somalida oo iyagu markan khatiyaan ka taagnaa xukunkii qalafsanaa ee masaarida iyo dhul-ballaadhsigii itoobiya ayaa waxay naq ka dooneen awooddii ingiriiska. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin! Isla sanadkaas gudihiisa waxa ingiriisku heshiiskii la oranjirey Anglo-Somali trade Agreements la saxeexday qabiilada Gadabuursi,Ciise iyo Isaaq.

Heshiisyadaa cusub waxay Somalidu usaxeexeen inay gaaraan xornimo,kana nabadgalayaan shisheeyaha soo fara galinaya wadankooda oo ay ugu horeeyaan Masaarida iyo Itoobiya oo waxay islahaayeen ingiriiska ayaa dhaama.Waxa heshiisyadaa ku qornaa sidan:”Anagoo ah qabiil hebel waxan heshiiskan la galay dawlada ingiriiska .Heshiiskaas waxay ujeedadiisu tahay in ingiriisku noo suuragaliyo sidii aan nabad ku heli lahayn kuna gaadhi lahayn xornimo buuxda,innagoo aan u ogolaan doonin in ingiriisku wadankeena maamulo”

Somalidu inkasta oo ay heshiiskaas ku sheegeen inayna ingiriiska u ogolaan doonin inuu wax ka maamulo wadankooda, hadana waxay u ogolaadeen inuu ingiriisku dhawr qunsul geeyo xeebaha somaliya oo ay halkaas degaan.Heshiisyo kale oo uu ingiriisku ku magacaabay “supplementry” ama “dhamaystir” ayuu hadan ingiriisku gadaal kala gali doonaa qabiiladii somalida sanadkii 1886kii.Heshiisyadaasi waxay sheegayeen in lasii ballaadhiyo lana sii xoojiyo xidhiidhadii ka dhexeeyey ingiriska iyo somalida.Isla markaana aanu jirin qabiil kale oo heshiis la gali kara wadankale oo aan ingiriis ahayn.

Sikastaba ha ahaatee,markan ciidamada masaarida way umuuqatey wadadii ay mari lahaayeen.Inkastoo magaalada Cadan ciidamadii joogay ee ingiriska ahaa ay diyaariyeen ciidan gaadhaya afartan nin oo boolis ah oo hubaysan una tababaran inay xoog ku muquuniyaan qabiilada Soomallida,hadana dawlada ingiriisku way diiday in xoog la isticmaalo oo waxay doorbidday in siyaasad la isticmaalo.Dabayaaqadii sanadkii 1884-kiina waxaba ingiriisku xeebaha somaliya ku yeeshay sadex qusul-ku xigeen oo ukala joogay magaaloyinka Saylac,Berbera,iyo Bulxaar.Qunsul kuxigeenadasi waxay sitoos ah amarka uga qaadan jireen xafiiska ingiriiska ee Cadan.Waxyaalihii la amri jirey waxa ka mid ahaa inay xasiliyaan nabadgalyada meelahaas,oo ay ka fogaadaan wixii iska hor imaad ah maadaama aanay taasi dan u ahayn ingriiska.Waxaa kaloo ay shaqadoodu ahayd inay waxyaabo yar yar oo kaalmo ah ay ka sameeyaan aagaas.Ingiriisku wuxu aasaasay ciidan boolis ah oo lamagac baxay Somali Coast Police.Ciidankaasi wuxu ka koobnaa rag boqol gaadhaya oo somali ah waxayna ku hubaysnaayeen qoryaha la yidhaahdo lixlayaal (rifle),taasi waxay keentay in magaalooyink Berbera iyo Bulxaar ay gaadhaan xasilooni iyo nabadgalyo taam ah.

Bilowgii sanadkii 1885-kii ayaa waxa qalalaase ka dhex dhacay booliskii Saylac oo xukunka kala wareegay ciidamadii masaarida iyo dadkii reer Saylac.Laakiin wax walba caadi ayey kusoo noqdeen markii ay soo faragaliyeen ciidamada lugta ee  Hindiya oo loo soo direy inay sugaan nabadgalyada ciidamadii masaarida oo kasii baxayey magaalada Harar.Dhibatooyin sidaas oo kale ahna waxay ka dhaceen Berbera,laakiin si arinta loo dejiyo wuxu ingiriisku bedeley qaadigii magaalada oo ahaa nin carab ah oo kasoo horjeeday siyaasada ingriiska,wuxuna ku bedelay sheekh somali ah oo taageersan siyaasada ingiriiska.Si kastaba xaal ha ahaadee ciidamadii Masaaridu iyagoon loo geysan khasaare weyn ayey ka baxeen magaalada Harar 1885kii.Kadibna waxaHarar madaxlooga dhigay nin Harari ah oo la oranjirey Cabdilaahi Maxmed iyo ninkale oo ingiriis ah oo la taliye u ahaa.

Gumeystayaasha kale ee reer yurub ee iyana loolanka kula jirey gumeystaha ingiriiska wax ugu horeyey dawladii Faransiiska.Sanadkii 1859-kii ayaa danjirihii dawlada faransiiska ufadhiyey Cadan wuxu helay warqad fareysa inuu gacanta ku dhigo dekeda Obokh oo ay lahaayeen dadka loo yaqaan Danakilka(canfarta),sadexsano ka dibna waxay dekadaas dawlada faransiisku ka iibsatey dadkaa loo yaqaan Canfarta,isla markiina waxay ka dultaageen calanka Faransiiska.Faransiiska oo bishii jun 1884-kii magaalada Obokh u magacaabay nin la oranjirey Leonce Lagarde inuu noqdo maamulaha magaalada Obokh ayaa isna dhankiisa ka wada dhulballaarsi oo markan waxaba sii kordhay loolankii ay kula jireen ingiriiska.Waxa xaruntii faransiiska lasii gaadhsiiyey ilaa gacanka Tajoora kadib markii ay masaaridu ka baxeen.

Bilowgii sanadkii 1885-kii wuxu Faransiisku sheegtay in xukunkiisu gaadhsiisanyahay ilaa iyo agagaarka Jibouti,sidoo kale ingiriiskuna wuxu sheegtay in isna xukunkiisu gaadhsiisanyahay isla meesha uu faransiisku sheegtay.Faransiisku wuxu ka cadhooday waxa uu ku timaamay gardarada  ingriiska oo wuxu faransiisku heshiis khiyaamo ku salaysan la galay Ciisaha degan Ambado iyo Jabuuti,kadibna wuxu sheegtey inuu leeyahay illaa Jabuuti.Ingiriiska iyo faransiiska waxa dhexmartay xurguf gacan ka hadal ku dhawaatay ,laakiin markii ay arintu faraha ka bixi gaadhay waxay heshiis ku gaadheen in aanay dagaal wax ku xallin oo ay wada hadlaan.Sidaa awgeed ayey ingiirska iyo faransiisku saxiixdeen heshiiskii la magacbaxay”Anglo franch Agreement sanadkii 1888-kii.Heshiiskaasi wuxu cadeynayey in xuduudka labada wadan uu yahay meesha u dhexeysa Saylac iyo Jabuuti(Lowyo-caddo),afarsano ka dibna waxayba Jabuuti noqotey magaalo madaxdii gumeystaha Faransiiska.Heshiiska khiyaamada ku dhisnaa ee faransiisku lagalay beesha ciise wuxu meesha ka saarey in dhulka Ciise u hoos yimaad maamulkii ingriiska,beeshii Ciisana halkaasay kaga baxday xeyndaabkii ingiriiska.

Markaa sidaasay taariikhdu inoogu cadaynaysaa inaanay beesha ciise qeyb ka ahayn heshiiskii ingiriiska ay beesha Samaroon Saylac kula gashay islamarkaana aanay Saylac ahayn degaan Ciise ee ay tahay degaan Samaroon leeyahay.Halkaa waxa ka cad in maamulka imika saylac loo magacaabay iyo boqorka caasimadii ciisaha(jabuuti)la soo dhaafiyey ee saylac lala soo doontay ay tahay mid siyaasadeysan iyo taariikh cusub oo la rabo in imika la abuuro.

La soco qeybaha danbe…… oon kaga hadli doono lixdankii markii labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur ay xornimada qaateen sidii labada beelood ee Ogaadeen iyo Ciise oo markaa dhulkoodu gacanta gumaystaha ku jirey loogu gartay ama loogu casuumay inay baarlamaanka somaliya xubno ku yeeshaan iyo in dadka labadaa gobol ee gumaysigu haysto ka yimaad aan isgoolka wax fee ah laga qaadin.qodobka ugu xiisaha badan wuxu noqon doonaa beesha Samaroon ee labada xubnood walaalahood u hibeysay oo Saylac ugu dartay iyo beesha Isaaq oo iyadu beesha ogaadeen ka marti galisay xubnaha baarlamaanka laakiin aan dhul ugu darin oo ku tidhi xubnihiina baarlamaanku Hargeysay kasoo baxayaan…… Danta ugu wayn ee aan qoraalkan taxanaha ah ka leenahay waxa weeye in wax laga barto casharadii hore isla markaana la bedelo jihada imika lagu socdo, intey goori goortahayna la is dabo-qabto.   La soco………

Jawhar Qalinle korwaayeel@hotmail.com

Leave a Reply

somalilandeye music

Watch videos at Vodpod and more of my videos