Posted
on Tuesday, March 2nd, 2010 and is filed under Uncategorized.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 feed.
You can leave a response, or trackback from your own site.
Adduunku waa Fasal,wakhtigu waa Macalin waayo-arag ah,dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah. Mawduucan oo ah mid taxane ah oo aan kaga hadallo Saylac iyo cida iska leh, Waxan maanta kaga hadli doonaa markii ugu horeysay ee ay Masaaridu soo daneyso xeebaha badda cas, soo galistii saylac iyo sidii qabiilka Gadabuursigu uga biyo diiday gumeysiga.
Xukuumadihii Masaarida ee ka danbeeyey Maxamed Cali Baasha way ka hawl-yaraysteen arimaha labadaas magaalo ee een soo sheegnay,illaa xukunkii gacanta ugalay ninkii la oranjirey Ismacil Baasha oo ahaa nin waligiis ku hamiyi jirey inuu samaysto imbiraadooriyad wayn oo uu xukumo.Laakiin uma hirgalin Ismaacil Baasha inuu gacanta ku dhigo Suwakin iyo Musawac oo waxa hor istaagay gumaystayaashii kale ee reer Yurub sidii ay u hor istaageen maxamed cali baasha oo kale.Reer yurub waxay doonayeen inay kaligood qeybsadaan dhulalka Afrikada Bari.
Ismacil Baasha sidaa kuma quusan ee wuxu bedelay jihadiisii maadaama uu saami ka waayey xeebihii Ereiteriya,wuxu go’aansaday inuu raadsado xeebo kale oo aan aagaas ka fogeyn.Waxa qorigu ugu dhacay magaalada Soomaliyeed ee Saylac.Sababta uu Ismacil Baasha u doortey Seylac waxay ahayd iyadoo ahmiyadaha dhaqaale iyo istiraatiyadeed ee magaaladaasi ay sii kordhayeen sidii loo furay Kanaalka Suweys sanadkii 1860kii.Natiijadii waxay noqotey in ciidamadii hubaysnaa ee ismaaciil Baasha ay gacanta ku dhigaan magaalooyinka Saylac iyo Berbera.Isla markiiba waxay ciidamada masaaridu somalidii kala wareegeen gacan ku haynta magaalooyinkii ay soo galeen.Wuxu Ismaciil Baasha magaalada Saylac madax uga dhigay nin la oranjirey Ra’uuf Baasha.Magaalada Berbera iyana waxa loo dhiibay nin la oranjirey Ridwaan Baasha.
Qabsashadii magaalooyinkaas ku yaal waqooyiga ka dib Ismaciil Baasha wuxu amray in la qabto magaalada Harar oo uu markaas xukumayey amiir la oranjirey Max’ed Bin Cabdishakuur.Hadaba markii ay masaaridu gacanta ku dhigtay magaalooyinka Saylac iyo Berbera iyo dhulkii hoos imanayeyba waxay damacday inay qabiil walba oo soomalayeedba usamayso suldaan maamula,si xukunkoodu umeel marana waxay suldaan kasta ka sare mariyeen nin kale oo masaari ah oo looyiqiin Caaqil oo wax ka maamula qabiilkaas.
Laakiin arintaa waxa ka biyadiidey qabiilka Gadabuursiga ka dibna waxa arintaa ka dhashay iska hor imaad dhaliyey dhibaatooyin iyo dagaallo farabadan oo dhiig badani ku daatay kuwaaas oo looga soo horjeedo xukunka masaarida.Waxa iska horyimid Masaaridii iyo Gadabuursiga markii Gadabuursigii diideen in ay maamusho cid aan ahayn ugaaskoodii la oranjirey Ugaas Nuur.Halkaa waxa dagaal dhibaato badan geystay oo naf iyo maalba leh ku dhexmaray Gdbrsga iyo Xukuumaddii Masaarida.
Ingriiska oo fadhigiisu ahaa magaalada Cadan hilibka askartiisu cunaana ka gadan jirey somaliya, wuu kasoo horjeeday in masaaridu isku fidiso dhulka somalida.Isagoo ingiriisku doonayey inuu heshiisyo ganacsi oo isaga dan u ah la galo duqowdii soomaliyeed een iyagu waxba fahamsanayn,sidii heshiisyo nuucaas oo kale ah ula galay dadkii reer Cadan.Masaarida laf ahaanteedu way kasoo horjeeday in ingiriisku arintaa ka fuliyo somaliya oo iyadna dani uguma jirin in ingiriisku helo kalsoonida somalida.Sidaas darteed Masaaridu waxay somaliya ka waday mashaariiic ay kusoo jiidaneyso dadka somaliyeed si ay kalsooni uga hesho.
Haba yaraatee Masaaridu wax horumar ah kama samayn magaalada saylac intii ay gacanta ku haysay,halka ay dib udhis iyo dib uhaybayn casriyeysan iyo adeegyo bulsho intaba ay ka hirgalisay magaalada Berbera oo isku mar ay soo caga dhigteen ciidamada masaaridu iyo waliba magaalada Harar oo waxyar ka dib ay ciidamada masaaridu gacanta ku qabateen.
La soco qaybaha dambe……..
Jawhar Qalinle