Posted
on Thursday, July 1st, 2010 and is filed under Opinions.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 feed.
You can leave a response, or trackback from your own site.
waxaan salamayaa bulsha waynta awdal state meelkasta oo aay joogto waxaakale oon hanbalyo leehay madaxwaynaha cusub ee daryaalka danaha beesha dhexe waxaanan ku dardarayaa xukumada fulinta danaha beesha dhexe waxay ubaah nayd nin adookale ah ee haay oo hasiidayn waxaa kale oon leehay gacalkii iyo xigaalkii reer awdal state ee is uurcunay waar waydhamatay waxii aad ku marmayseene maxaa talo ah oo meel idiinyaala kolay sawir tageer baad wada ahaydeene malaga yabaa inaad tashataan ood ka gudubtaan jafajiriqa macno darada ah ee aaydun kujirteen mudada dheer malaga yabaa inaad tiina daryeeshaan malaga yabaa inaad yeelataan han kawayn oo kabaladhan waxan aad ku mashquulteen
anigu waxaan aaminsanahay maanta ayaay ugu dhawdahay inay fulaan danaha awdal state ppl waayo kii hore bal waxbaad xeerinayseene oo qaarbaa ku qanacsanaa magac bilaa manfaca inay sheegtaana manatana maxaa aaydun isu qanciseen waxaan leehay wiilashii ku haraday tageerada sawirka nin royoonayoow toos adeer riyadii sawirka waa lasoo gabagabeeyay ee mantana maxaaydun noosheegaysaan mase laga yaabaa ilayn sayliciba waa nin samaroon siciidee inaad tageertaan inkasta oo aad ku qasban tihiinba inaad tageertaan waabase suurta gal in isagana latijaabiyaa armuu ficil kii raganimo ee lagawaayay rayaale laga helaa saylici waxaan leehay eng saylici hanbalyo hanbalyo hanbalyo hase noqonin daryeele danaha beesha dhexe sidii rayaale guulbaan kuu rajaynayaa inkasta oo aan anigu ka shaqsi ahaan 1 sano inii qabtay gabigiinaba
waxaan aaminsanahay sanad gudihii inuu qiiqka istagi doono burco waayo jilibka ugu baladhan beesha dhexe ee habar yoonis xukunka siiraanyo dhimashay kaxigaan waxaan aaminsanahay qaar badan oo inaga midihi inay shar u arkaan siiraayo inuu soo baxo lakiin anigu waxaan u arkaa danta awdal state inay kujirto inuu siiraanyo soobaxo waayo isaaq sacada aan joogno laga bilaabo iyaga isu maqan ee awdal state aqoonyahan keedii iyo culumadeedii iyo dhalinyarteedu ha isu tagaan oo hakawada tashadaan mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda waxaa hubaal ah in maanta sansaan guuleed ii muuqdo oon aan ka rajofiicanahay hadii la i oran lahaa rayaale ayaan soo baxay aad ayaan uga nixi lahaa sababtoo ah 8 sano ee uu haystay waxaa nagu dhacay naburo fara badan oo aay ka mid yihiin madarkayagii oo laxidhay xeebahayaga oo lanoodiiday inaan waxkala soo dagno aqoonyahankayaga oo dariiqa lagu bireeyo dhulkii taariikhiga ahaayee samaroon oo ciise lagu wareejiyo waliba tariikh been abuura loosameeyo intoo ugaas tahriiba lakeeno
gabagabadii waxaan leehay nin riyoonayoow toos sadaashu waa tugan nika tiisa aan fulin tukalana warkeed dhaaf rayaale tiisuu buu fulinwayay markaa inlaiska badalo waa waajib mida kale waxaa looga bahan yahay bulshawaynta awdal state inay u guntato sidii aay danaheeda iyo siyasadeedaba ugu madax bananan lahayd iyo sidii qiiqa kakicidoona burco iyo hargaysa aay uga gashaman lahayeen ha isugu yimadaan talo hana ku dhaqaqaan waxii dani ugu jirto dadkooda iyo dalkooda xukumada daryeelka danaha beesha dhexe bulshada awdal state wax isbadal ah kama samayn karaan waayo codkii aay waxkubadali lahayeen waxaa laga shaqeeyay xiligii diwaangalinta ee bulshada awdal state ha u guntato sidii aay usamayn lahayeen xukumada daryeelka danahooda sida dhamaan beelaha somaliyeedba sameeyeen
wabilaahi towfiiq
by farhan adan warsame
adwarsam1@yahoo.com