HALYEEY GARAAD MAXAMUD SACIID IYO HABAR-HAWAASH by suxufi abroone

Posted on Sunday, June 20th, 2010 and is filed under History, Sawiro, news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 feed. You can leave a response, or trackback from your own site.

HALYEEY GARAAD MAXAMUD SACIID IYO HABAR-HAWAASH by suxufi abroone Number of View: 590

Tobankii sano ee qarnigii 19-aad ugu dambeeyay, qowmiyaadka masiixiga ah ee ku noolaa dhulka buuralayda ah ee ku beegan galbeedka Soomaaliya, ayaa waxay ku soo biireen xoogaggii gumaystayaasha ahaa ee hooshka inoogu yimid. Damaca gumeysi-doonka ah ee qowmiyaadkaasi waxaa loo aaneeyaa in uu ka dambeeyay boqorkii gobolka Shawa Menelik II, kaas oo mar qura qaatay calan diimeed iyo mid qowmiyadeed si uu maamulkiisa ugu baahiyo geeska Afrika. Boqokaasi oo markiisii hore ka talinayay gobolka Shawa oo keliya ayaa xuduuddiisa eeyan soo dhaafsiisnayn 100 km. bariga Addis-ababa. Menelik waa kan gaarsiiyay xuduudda dalka Itoobiya, muuqaalka ay maanta leedahay. Sida aanu arki doonose wuxuu doonayay dhul intaa ka badan.

Menelik (1844 – 1913) waxaa iska dhalay boqorkii Shawa Haile Malakut iyo gabadha la yiraahdo Woizero Ijigayehu. Guurka odayga iyo habarta ayaa wuxuu dhacayMenelik oo saddex jir ah, sidaas buu wuxuu ku ahaa wiil aanan nikaax ku dhalan. Awoowihiis boqor Sahle Selassie wuxuu ahaa ninka asaasay boqortooyada Shawa, isaga ayaana saadaaliyay in wiilka wiilkiisu dhalo uu noqon doono Menelik II. Tan iyo sanadkii 1889-kii, Menelik wuxuu watay magacii loogu wal-qalay ee ahaa Sahle Mariam. Magaca Menelik ayaa wuxuu ka soo jeedaa wiil khayaali ah, oo sida ay Xabashidu sheegtaan, nebi Sulaymaan uu ka dhalay gabar madow oo xaasaskiisii kamid ahayd. Wiilkaas oo magaciisa la oran jiray! ! Menelik ayaa Xabashidu waxay rumasan yihiin in ay ka soo farcameen. Sidaas buu Sahle Mariam isugu magacaabay Menelik II, iyada oo laga dhadhansanayo in uu doonayay in uu noqdo aabihii labaad ee Xabashida. Marakanse mahayo dhalasho ina nebi ah oo uu waalid ku noqdo, sidaa darteed buu wuxuu tilmaansaday in uu aragtida qowmiyadeed ku horseedo hagar-daamada dadyowga la deriska ah, sidaasna uu ku gaaro maqaamkii uu higsanayay ee waalidninada ahaa;


Xaaladda qowmiyadaha masiixiga ah ayaa bartamihii qarnigaas waxay ahayd mid cakiran. Colaado hor leh ayaa waxay bilowdeen kaddib markii boqorkii Tigrayga ee la oran jiray Asai Tewdros, uu ku jabay dagaalkii Arogi sanadkii 1868-kii. Muddo dhowr sanadood ah ayaa waxaa jiray shaki ah ninkii ku gacan-sarayn lahaa talada qowmiyadahaas. Xilligaas waxaa jiray, sidaan horay u soo xusnay, saddex xoog oo kala ahaa sidatan :

1. Boqortooyada Amxaaro oo uu hoggaaminayay Dejazmatch Meshesha Mercha waa ina Tewdors.

2. Boqortooyada Tigray oo uu hoggaaminayay Takla Giorgis.

3. Boqortooyada Shawa oo uu hoggaaminayay Sahle Mariam (Menelik).

Xoogaggaas oo ahaa kuwo kala madax-bannaan ayaa in ay is-faduushaan caado u ahayd. Xiisad ayaa ka dhex aloosantay boqorkii Tigray iyo kii Amxaaro, taas oo mid waliba uu doonayay in uu kan kale muquuniyo oo uu maamulkiisa hoos keeno. Boqorka Shawa ayaa xilligaas ka gaabsaday in uu dhex cararo colaadaha ka socday gobollada ka xigay waqooyiga. Gaba-gabadii, sanadkii 1871-kii, waxaa laga adkaaday boqorkii Amxaarada, markaas oo degaankiisii la qabsaday. Dabadeed, bishii koowaad, sanadkii 1872-kii, ayaa boqorkii Tigraygu, magaaladii Aksum ku saartay taajkii Embraadoorka, isaga oo la baxay Emperor Yohannis IV. Taariikhda Itoobiya, waxaa boqorkan looga yaqaan magaca ah suufigii askariga ahaa the monk and the soldier. Sababtuna waa isaga oo kaniisadaha aad ugu xirraa iyo isaga oo dalkiisa ka caabiyay dagaalo dhowr ah oo kaga yimid dhanka Masar xilligii Ismaaciil Al-Khadawi uu is fidinayay ! ! sanadihii 1974 – 1876.

Muddadii uu maamulka hayay ayuu embraddor Yohannis IV, wuxuu la baxay boqorkii boqorrada. Taasina waxay ka dambeysay markii uu Amxaaradii jebiyay ayaa boqorkii Shawa Menelik wuxuu oggolaaday in uu hoos yimaado maamulka embradoorkan cusub. Kaddib labada boqor waa ay xidideen markii ay oggolaadeen in ay isu guuriyaan Araya Selassie oo ah wiilkii Yohannis iyo Zauditu oo ah gabadhii Menelik. Wiilka ay qoyskan iska dhaleen oo lagu magacaabo ‘Ilyaas’ ayaa taariikh qurxoon ku yeeshay Soomaaliya:


Dagaaladii is ree-reebka ahaa, oo qaybtii danbe ee bartamihii qarnigii 19-aad, ay boqorradii qowmiyadaha masiixiga ah ugu tartamayeen hoggaanka degaanmadooda, ayaa Menelik wuxuu nasiib u yeeshay in uu ugu danbayntii ku soo baxo, dabadeedna uu yeesho magacii boqorkii boqorrada Abasiinya. Waxaa xusid mudan, reeraha Xabashida ah ee la yiraahdo Abeto Yacob ee uu ka soo jeedo Menelik, waxaa ka dhashay boqorkii la oran jiray Libne Dingel ee qarnigii 16-aad u soo qaxay gobolka Shawa, iyaga oo ka soo baxsaday dagaaladii Axmad Guray.

Haddaanu milicsano qaabka uu Menelik ku hantiyay awoodda sare ee qowmiyaadkaasi, waxaanu helaynaa in uu dareen iyo aqoonba ka helay 10 sano oo uu la noolaa boqorkii ugu itaalka roonaa degaanka, kaas oo ah Teodors II. Sanadkii 1853-kii, ayaa ciidamadii boqorkani ku soo duuleen gobolka Shawa. Boqorkan oo ka talinayay gobolka Amxaaro ayaa wuxuu dilay boqorkii Shawa Haile Malakut. Geeridii boqorka Shawa ayaa waxaa ku burburay xoogii maamulkii gobolka ka dhisnaa, sidaasna awoodii waxaa kula wareegay Teodors II oo markaas noqday boqorkii boqorrada Emperor Teodors II. Maxaabiistii uu Teodors II ka kexaystay Shawa waxaa kamid ahaaMenelik oo sagaal jir ah. Waxaa weheliyay islaan aayadiis ahayd oo la yiraahdo Tidenekialesh! ! iyo oday adeerkiis ah Derge Sahle Selassie. Maqdalla oo ahayd magaalo-madaxdii Amxaarada ayaa la geeyay. Emperor Teodors II, xushmad wayn ayuu siiyay qoyskii uu soo qafaashay, gaar ahaan wiilkii agoonka ahaa Menelik oo uu ula dhaqmay sidii wiil uu dhalay oo kale. Markii uu waynaaday wuxuu ku daray gabadha keliya ee uu dhalay ee la yiraahdo Alitash. Degmada Maqdalla ayuu Menelikwuxuu kula kulmay oo ku bartay dad badan oo ka soo jeeda qoysaskii iska soo dhaxlay maamulladii soo maray qowmiyaadkaas. Socdaallo badan ayuu la galay boqorka.Menelik wuxuu la saaxiibay wiil uu dhalay boqorka oo la oran jiray Dejazmatch Meshesha Tewodros, kaas oo eeyan odayga aabihiis ah isku wanaagsanayn. Wiilkan oo aabihiis mucaarad ku ahaa ayaa sanadkii 1865! ! -kii wuxuu Menelik ku kaalmeeyay in uu ka baxsado xerada odayga, taasina waxay dhacday mar ay habeenimo ahayd oo uu ka furay albaabkii waynaa ee laga geli jiray magaalada Maqdalla. Menelik oo markaas 20 jir ahaa ayaa wuxuu la baxsaday qaar kamid ahaa qoyskiisii qafaalada loo haystay. Waxaa kamid ahaa adeerkiis Derge Sahle Selassie. Markii ay gaareen dhulkii reer Shawa, wax badan kuma qaadan in wiilkii dhallinyarada ahaa ay boqor u caleema-saartaan. Waxaa mashruucan gacan ka gaystay adeerka oo markaas waayeel ahaa:


Menelik wuxuu markiiba dhex cararay khilaafkii dhex maray Ingiriiska iyo boqorkii Amxaaro Teodors II. Wuxuu la xiriiray Ingiriiska oo uu u sheegay in uu kaalmo u fidinayo dagaalka ay kula jiraan boqorkan. Halkaas wuxuu ka helay hubkii ugu horeeyay ee soo gaara ciidamadiisii. Kaddib markii uu boqorkii Amxaarada ku dhintay dagaalkii Arogi, waxaa taladii reerka la wareegay wiilkiisii Dejazmatch Meshesha Tewodros. Boqorkii Shawa Menelik, culays kuma noqon in uu maamulkiisa hoos keeno boqorkan oo ay horay isu yiqiineen.

Bishii abriil 1883-kii, Menelik wuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Taitu Bitul oo uu dhalay Ras Bitul Haile Mariam. Wuxuu la dhashay Dejazmatch Wube Haile Mariam oo ahaa ninka hoggaanka Amxaarada ku haystay Tewodros II. Boqorka Shawa wuxuu u dooray in damaashaadka guurkiisu uu ka dhaco dhulka sare ee deexda ah ee ku yaal bartamaha gobolka Shawa, halkaas oo hawadeedu wanaagsan tahay, dhir waawayn iyo biyo badanna leh. Meesha ay ku taal magaalada Addis-ababa ayuu degay, halkaas oo uu ku aqal galay. Xaaskiisa ayaa degaankii u bixisay Addis-ababa oo macnaheedu tahay Ubixii Cusbaa. Halkaas ayaa sanadkii 1887-kii waxay si rasmi ah u noqotay magaalo-madaxdii Itoobiya.

Sanadkii 1887-kii, Yohannis oo ahaa boqorkii Tigray ayaa wuxuu ku dhaawacmay dagaal wayn oo ay ciidamadiisii isaga hor yimaadeen ciidamadii Mahdiga Suudaan. Dagaalkaas oo lagu jebiyay Tigraygii ayaa boqorkoodiina uu la dhintay dhaawacii ka soo gaaray. Intuusan dhiman buu wuxuu taajkii u magacaabay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Ras Mengesha. Maamulkii wiilkan ayaa waxaa fashiliyay Menelik oo sanadkii 1889-kii sheegtay in uu isgu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya. Menelik wax wayn kuma qaadan in uu dhaawac u gaysto ciidamadii Ras Mengesha, si uu maamulkiisa ugu fidiyo dhulka Tigrayga iyo Amxaarada. Laakiin wuxuu daayay maamulladii ka jiray halkaas iyo boqorradoodii:


Bishii maarso 1889-kii, boqorkii Shawa wuxuu la baxay boqorka boqorrada, embraadoorka Itoobiya, Menelik II. Embradoorkan cusubi, Menelik ayaa wuxuu boqorrada hore kaga duwanaa tilmaamaha uu kulan saday. Wuxuu ahaa nin geesi ah, hoggaamiye ciidameed, damac badan, maamulka wax ka garanayay, fursadahana ka faa´iidaysta. In kasta oo uu gumaysi-doon ahaa, wuxuu ahaa nin ay ku tallaalan tahay waddaninimo. Wuxuu ahaa siyaasi aragti dheer leh, oo go´aamo hufan. Qaybtii hore ee dagaalkiisa waxaa ka muuqday is-difaac gobonimo u halgan ah oo uu ku diidanaa in dhulkiisa uu gacanta u geliyo gumaystayaasha yimid. Madax-bannaanida qaaradda Afrika, wuxuu u horseeday guul aanan horey loo arag iyo tusaale wacan. Laakiin guushaan ayaa dhanka kale isu baddeshay ama gumaysi u adeeg noqotay, markii uu saf kala soo jeestay gumaystayaashii Talyaaniga, Ingiriiska iyo Fa! ! ransiiska ee boobka u yimid degaanka. Markaas oo uu kula heshiiyay qaybsiga iyo xoog ku maquuninta qowmiyadihii ka tabarta yaraa ee deriska la ahaa:


Menelik, markii uu embraadoorka isu caleema saaray, wuxuu bilaabay tallaabooyin diblomaasiyadeed ee ku aaddan xiriirkiisa dibadda. 2/ 5- 1889-kii, wuxuu heshiis la dhigtay dowladdii Talyaaniga. Heshiiskaas oo lagu magacaabo Ucciali, ayaa wuxuu lahaa labo qoraal. Mid lagu qoray af-talyaani iyo mid kale oo lagu qoray af-amxaaro.Ras Mokonnen oo heshiiskaas dabadiis booqasho ku tegay Talyaaniga ayaa waxaa la soo siiyay hub ay kamid ahaayeen 28 madfac iyo 38.000 oo qori. Muuqaalka wanaagsan oo uu heshiisku ku bilowday, ma noqon mid raaga. Taasina waxay ka dambaysay khalad jiray oo ku xusnaa qoraaladii heshiiska.

Qodobka VII-aad ayaa wuxuu yahay midka sababay is maan-dhaaf xoog wayn oo ka dhex abuurmay Talyaaniga iyo Xabashida. Ergadii heshiiska ayaa qodobkan waxay u kala rogteen labo mecno oo kala duwan. Talyaanigu wuxuu u rogtay qodobka in dowladdiisa ay xil-qaadayso wax kasta oo xiriir ah oo Itoobiya ay la yeelanayso dowladaha dibadda, sidaa darteedna dalka Itoobiya uu yahay dhul maxmiyadihiisa kamid ah. Amxaaraduna waxay macnaha qodobka u rogteen in ay dhici karto in Talyaanigu uu xil-qaado wax kasta oo xiriir ganacsi ah oo Itoobiya ay la yeelanayso dowladaha dibadda:


Talyaanigu markaas waxay aaminsanaayeen in Itoobiya ay iyagu u taliyaan . Embraadoor Menelik marna kuma qanacsanayn in Talyaani uu dusha ka maamulo boqortooyadiisa. Sidaa darteed ayuu si toos ah wuxuu ula xiriiray qaar kamid ah dowladihii reer Yurub oo ay kamid ahaayeen Faransiis, Ruush iyo Ingiriis. Xiriirka noocaas ah wuxuu caro geliyay dowladdii Talyaaniga oo iyadu isu haysatay in ay tahay midda xaqa u leh maaraynta siyaasadda dibadda ee Itoobiya.

Sanadkii 1890-kii Menelik waraaq buu u diray boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria. uu ku codsanayo in ay yeeshaan xiriir wanaagsan. Boqoraddii ayaa jawaab diidmo ah ku soo celisay kaddib markii ay u sheegtay in wixii xiriir ah oo dhex-maraya Itoobiya iyo Ingiriiska uu dhacayo iyada oo Talyaanigu uu ka wakiil yahay Itoobiya. Sababta ay boqoraddu sidaas u tiri waxay ahayd, Talyaaniga oo gaarsiiyay qodobadii heshiiskii Uccialli, kaas oo dhigayay in Itoobiya dhamaanteed ay tahay degaan ah maxmiyad uu dusha ka maamulo Talyaaniga. Arintaas ayaa booo Menelik si aad ah uga caraysiisay.

M. Ilg oo ahaa gacan-yarihii Menelik, injineer u dhashay dalka Swiss ayaa wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo dhacdadan :


“ Menelik, qadarin wayn ayuu u hayay dowladda Ingiriiska iyo boqoradda. ………… Wuxuu si aad ah u rabay xiriir saaxiibtinimo oo uu la yeesho Ingiriiska. Laakiin wuxuu xanuun ka qaaday ra´yigii dowladda (Ingiriiska) ee ku qornaa waraaqdii jawaabta ahayd ee uu ka helay boqoradda Victoria ……….. Taas oo boqoraddu ay ku sheegtay in ay ka xun-tahay in eeyan oggolaan xiriirkiisa. Balse uu usoo mari karo dowladda Talyaaniga……… Menelik ( markii loo akhriyay waraaqdii boqoradda) wuxuu yiri :

Maxay tahay arintan ! Ma waxaan ahay adeege, marka ay boqoraddu sidan iigu soo jawaabayso ?.

Menelik ayaa xog-heyntiisii ka dalbaday in ay eegaan macnaha jawaabta caynkan ah ee ka timid boqoradda. Waxaa loo sheegay in cilladdu tahay heshiiskii Uccialli “.(The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 33).

Markaas buu Menelik wuxuu bilaabay in uu jebiyo heshiiskii uu Talyaaniga la dhigtay. Boqoraddii Ingiriiska ayuu wuxuu u diray sawir uu ka sameeyay qoraaladii is maan-dhaafka abuuray. Laakiin wasiirkii arimaha dibadda ee Ingiriiska Sir. Salsberg, wuxuu mar walba qiimeynayay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay dowladdiisa iyo Talyaaniga, isaga oo gaarsiinayay Talyaaniga in eeyan la´aantood la xiriireyn Xabashida.

Waraaqda Wareegata:


Ka : Embradoor Menelik.

Ku : Madaxda dowladaha Yurub.

Waxaan doonayaa in aan ogaysiiyo saaxiibadayada xoogagga madaxa-bannaan ee Yurub, xuduudda ay Itoobiya leedahay. Taas oo aanu idiin soo raacinay, mudnaantiina´e, waraaqdan.

Xuduuddii Itoobiya waa sidan :-

Laga bilaabo xuduudda Talyaaniga ee Arafale, taas oo ku taal badda, xariiqda soo aadda dhulka deexda ah (Meda) ee Gegra, dabadeedna MahioHalaiDigsa iyo Gura, illaa iyo Adibaro. Laga bilaabo Adibaro laga gaaro labada webi ee kala ah Mareb iyo Arated.

Xariiqda ka soo kacda dhibicdaas ee soo aadda koonfurta illaa iyo labada webi ee ah Adbara iyo Setit,halkaas oo ay ku taal degmada loo yaqaan Tomat.

Tomat ka soo kac, xuduudda dumaysa gobolka Qadaarif, kor u jac tan iyo Karkoj iyo webiga Niilka Bey-madow (Blue Nile). Laga bilaabo Karjok, xariiqdu waxay maraysaa halka ay ku kulmaan webiga Sobat iyo Niilka Cad (White Nile). Bartaas ayay xariiqdu ka kacaysaa iyada oo raacaysa webiga Sobat, waxay dheeheysaa dhulkaAbore´Galla, waxay gaaraysaa harada Samburu.

Dhanka bari, waxaa kamid ah xuduudda degaanka BooranGaalla iyo Caruusha. Kor u kac iyo dhulka ay Soomaalidu degaan oo ay kamid tahay xuduuddaOgaadeenka.

Dhanka waqooyi, khadda xuduudda waxaa ku jira ‘Habar-Hawaash, ‘Gadubursi iyo Ciisaha Soomaalida ah “. (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 81):


Gabagabadii, Menelik wuxuu ku soo af-jarayaa hadal xambaarsan caadifad adag oo uu ku soo jiidanayo dareenka iyo kal-samida madaxda uu waraaqda u diray. Wuxuu isku deyayaa in uu danqiyo caadifadda diineed ee dadyowgaas, taas oo wax-tar ka gaysan jirtay hiillada siyaasadeed ee dowladihii xilligaas. Menelik wuxuu qoray :

Xiiligan maanta ah oo aan sawir ka bixiyay xuduudda dhabta ah oo boqortooyadayda ay leedahay, waxaan dadaal u gelayaa, hadduu Eebe i siiyo nolol iyo itaal, sidii aan u xasilin lahaa xuduudihii hore (Tributaries) ee Itoobiya, laga bilaabo Khartoum illaa iyo harada la yiraahdo Lake Nyanza oo ay la socdaan dhamaan (dhulka)Gaalla (Oromo).

Itoobiya, muddo afar iyo toban qarni ah ayay ahayd jasiirad ku dhex-taal bad sanamyo-caabud ah. Haddaba haddii xoogagga naga fog ay u yimaadeen hadafka ah in ay Afrika iyagu qaybsadaan, go´aankaygu ahaan-mayo in aan noqdo daawade dhex-dhexaad ah.

Sida uu Awood-badanuhu (Eebe), illaa iyo maanta, u ilaaliyay Itoobiya, ayaan ku kalsoonahay in uu u ilaalin-doono, oo uu fidin doono xuduuddeedana mustaqbalka. ……………. .

Xilli hore, xuduudda Itoobiya waxay ahayd badda. Awood ku filan ayaa hareeraysay, wax kaalmo ahna kama helin xoogagga masiixiga ah, xuduuddayadii badda xeebaheeda ahaa waxay gacanta u galeen xooggii muslimka.

Xilligan hadda ah, ma nihin kuwo guddoonsaday in xuduuddeenii hore ee badda ahayd aanu xoog ku soo ceshano, laakiin waxaanu ku kalsoonahay xoogagga masiixiga ah, ee tilmaamaya badbaadadayada, in ay inoo soo ceshaan xadkii xeebaha badda ahaa oo aanu lahayn, qiimo kasta ha ku bexee, meel uun xeeb ah “. (Ibid : p. 81):


Taladii urursanayd ee qowmiyadihii masiixiga ahaa oo gacanta u gashay iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee uu ku guulaystay in uu la yeesho xoogaggii jiray ayaa Menelikwaxay u suurogelisay in uu hirgeliyo aragtidiisii ahayd baahinta maamulkiisa. Wuxuu bilaabay in uu isku fidiyo dhulalka ka fog oo ay deggan yihiin qowmiyaadka muslimka ah. Hub tiro iyo tayo leh ayuu ka iibsaday ganacsato reer Yurub ah. Ganacsigaas oo muddo sanooyin ah socday ayaa qaxwuhu wuxuu ahaa waxa ugu wayn oo dhankiisa ka baxayay:


ISHA : TIXRAACA : DR S ENOW


WAXAA : QORAY : SUXUFI ABROONE

Leave a Reply

somalilandeye music

Watch videos at Vodpod and more of my videos