Number of View: 146
waxaan salamayaa dhamaan bulshada sadexda gobol ee awdal salal iyo gabilay ee ku abtirsata adal imperre oo ah dad dacadnimada iyo sinaanta iyo daris wanaaga aad ujecel waxaa hubaal ah in bulshada sadexda gobol aay u ooman yihiin hogaan laan iyo cadalad la aan intaas waxaa uraacay saxafad la aan waxaa hubaala inmanta bulshadeenu itaal adaran tahay cod la aan iyada oo wayday cidii u hadli lahayd sababtoo ah manta gobolka kama jirto isjiid jiid awoodeed iyo guluf coladeed oo nin waliba uu ku ciilbaxayo qorigiisa caradiisa iyo cududiisa waxaa hubaal ah inay nabadi taalo iyadoo sidaas ah hadana bulsho aan hogaan iyo codmidna lahayni waa u halin waxkasta oo lasoodarsa waana mida haysata bulshada sadexda gobol ee awdal salal iyo gabilay
hogaan la aantu waamida manta sababtay in haldoorkii beesha ee lagu gasaaray kalabaydhka la iska ilaawo hogaan la aantu waa mida sababtay damiirxumada ah in dhiigmadoobe rag dilkiisa laga diiriwaayo reer adal loooooooow manta yaa inoo sheegi kara halka aay kumaqanyihiin amase dhiigoodi aan ku iloownay ali bagaashle.dauud hashi ,ali awcumar ,iyo mowliid sow hubaal mahin in aaynu durba iloownay maxaa laguqiimayn karaa ninka dilka walaakii kahadli waya mase ficil ka gaysan waaya waxaa lagu qiimayn karaa qof damiirku dhintay oo noloshu ku qasaara tahay isaguna ku haboonaa inuu iska dhinto mala orankaraa bulsha waynta reer adal imperre dhamaantood damiirkaa dhunta ?waa hubaal inuu ficilkaa dhacay dhamanteen ina damqay lakiin maxaa la inooga waayay wax ficil kaga jawaba ma jamhada uu hogaamiyo dahir rayaale ayaaynu kasugaynaa cadaalad ?
hogaankii bulshadu meeye maxaa loowaayay saladiinta borama joogta oo kahadlaysa dilkii aqoonyahanka maxaa loowayay bulshawaynta dalkii iyo dibadaba joogta oo kawada tashanaysa jawaabkii laga bixin laha maxaa loowayay laba isla sooqaada waleee bulshayahay cidlaad talaa oo waxaad sarantahay dariiqii falantiin taladaduna waxay noqotay tii jamacada carabta waliba jamacada carabtu way isutimaad oo waywadahadlaan yanan laba fuline xataa madaxa isgalin la inigama hayo taasina waxaa sababay hogaankii amase indhihii bulshadan reer adalimperre waxay noqdeen wadaantii cadawga bulshadu uu istacmaalo oo dhamantood waxay kuhawlanyihiin fulinta dahana cadawga bulshada iyo raaligalinta inta weerarka inagu haysa waxay sharfayan waxan sharaf lahayn waxay dhiiri galinayan ninka gacanta kuhaya masaartii iyaga qoorta lagaga jari lahaa cadawga bulshadu hadii uu kufo waxaa kiciya oo hobo yidhaa kuwa aaynu u aragno inay indhaheena yihiin ee xilka saaray ee damiir lawayaasha
waxaa kale oo iswaydiin mudan saxafada reer adal imperre sharciga aay dhawrani miyaanu qaban saxafadaha kale ee gobolka kajira waxaad moodaa saxafada lafteedu inay fulinayso danaha cadawga hasii kala fogadeene waxaa jira kuwo uban baxay dhiiri galinta iyo tageerada cadowga bulshada waxay somalidu ku mahmahdaa doqontu 12 indhoodbay leedahay 11 tolkeedbay ku eegtaa 1 cadawgeeda ninka dagaalkula jira kii hoyadii iyo abihii dhaleeni cadawkale inuu ladagalamo fursad umahaysto oo godkiisa ayaay biyo ugu galeen saxafada reer adal imperre waxay afka kadhawrtaa hadalka ka xanajinaya cadawga waxay kudadashaa ereyada dhinbiisha dabka ah ku ah cadowga in sirdoon garihi ku qabsanayo waxaad moodaa inay sacab utumayaan nin kuhawlan dabar jarka iyo dulaynta dadkooda iyo dalkooda waxaad moodaa sharciga saxafa qabta inuu sigaara ugusoo tobabarteen iskoolada aay leeyihiin kuwa danahooda aay fuliyaan iyo nacabka jecel baabi inta iyo burburinta bulshada aay ku abtirsadaan
bulshada sadexda gobol ee awdal salal iyo gabilay hormuudkoodu waxay kuhowlan yihiin inay raali galiyaan cadawga iyo ka qosliyaan cadawga iyo mabsuud ka dhigaan kuwa iyaga dhagraya ee awoodila jecela inay dhulka lasimaan waakuwii aay kumaqanyihiin dhiiga haldoorka reer awdal ee hadana sheeganaya inay inala wadagan mamul iyo masuuliyad iyo inaan wax wada leenahay mala odhankaraa waxbaa inaga dhaxeeya waa maya rayaale ma matalo bulsha waynta reer adal imperre ee waa shaqsi damiir laawe ah oo aan aqoonin cidnaba waa shaqsi diirkiisu tagan yahay oo dumkiisu muuqdo lakiin madhan oo ogayn waxa uuyahay iyo cida uu ku abtisado toona bulshaduna waxay kasugayso malaha oo cidkale yanu waxba uqabane bul baritoole dhufayska uu kasoo jeesan doono ayaaynu sugaynaa iyo meesha uu ku gabado ellay hoygii uu kasoo jeeday ee quljeed manta abaal uu ugalay majirtee
gabagabadii iyo gunaanadkii manta bulsha waynta 3 gobol ee awdal salal iyo gabilay ee isirka wadaagtaa mahaboontahay inay ayahooda katashadaan anigu sidaan qabo dantoodu kuma jirto somaliland iyo somaliya toona iyo cidkale oo aay danahooda udabajoogsadaan toona waxaan aminsanahay manta inaan joogno malintii aan inagu fikirkeena umadax bananan lahayn sobobtoo ah inta laxasuusan yahay ee aay bulshawaynta reer adal imperre ay danahooda dadkale udanajoogeen waa inta aay dadka kahareen kasoo biloow mastacmarkii burtaqiiska ee godoomiyay dakadii saylac mustacmarkii ingiriiska kii masarida ee wakiilka uga ahaa ingiriiska kii somalida ee adancade abdirashiid siyaad bare iyo kani beesha dhexeba dhamaan waxay markasta oo aan danaheena udabajoognay dadkale waxaan usoconay hoos inta umadaha calamku horumar samaynayeen inaguna dibudhac ban samaynaynay mankaa manta waa malintii aaynu danaheena inagu iskeen uga shaqayn lahayn markaa 3 arimood ee dib inoo dhigay aaynu katashano hogaan la aan saxafad laaan iyo ismaqal laaan
by farhan adan warsame